Madaxda Galmudug iyo Puntland oo heshiis hor dhac ah ka gaaray dagaalka Gaalkacyo

by Hassan Ali | Wednesday, Nov 2, 2016 | 161 views

2,November,2016(SofoNews) Heshiisyo hor dhac ah ayaa laga gaaray dagaalkii u dhexeeyey mamaulada Puntland iyo Galmudug kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Dubai ee Imaraadka Carabata hogaamiyaasha labada maamul.

Qodobada labada maamul ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in xabada la joojiyo,dadka ku barakacay dagaalka Gaalkacyo dib loo soo celiyo iyo in wadahadal ay 20ka bishan isugu yimaadaan magaalada Kismaayo.

Heshiiskan ayaa waxa uu qeyb ka yahay qorshayaal ay wadato dowlada Imaaraadka Carabta taasoo ay dhowaan isugu yeertay madaxda maamul goboleedyada dalka Soomaaliya.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka qeybgalay shir Imaaraadka carabta ay soo qaban qaabisay kaasi oo ku saabsan arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Qorshaha ay wadato UAE ayaysan illaa iyo hadda ka hadlin dowlada federalka waxana ay ka maqnaanshaha dalka madaxda maamul goboleedyada ay habacsanaan geliyeen qorshihii lagu doonayay in lagu bilaabo doorashada dalka gaar ahaan kuwa Aqalka Hoose iyo xubnahah Aqalka Sare ee Maamulka Hirshabeelle.

.

 

Like it? Share it!