Maamulka Jubbaland oo ka hadlay waxqabadkiisa mudadii 4 sano ee uu dhisnaa

by Hassan Ali | Wednesday, Apr 5, 2017 | 134 views

5,April,2017(SofoNews) Munaasabadan oo ahayd mid loogu dabaaldagayay sanadguuradii afraad ee kasoo wareegatay aas aaskii dowlad goboleedka jubbaland ayaa maanta ka dhacday magaalaads Ksimaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.
Waxaa ka qeybgalay masuuliyiinta dowlad goblleedka jubbaland madaxweyne ku xigeenka jubbaland xildhibaanda labada aqal baarlamanka Soomaaliya fanaaniin iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan magalada kismaayo.
Kooxaha kala duwan ee fanaaninta jubbaland oo heeso kala duwan kusoo bandhigay goobtay ayaa waxa gu horeen ka hadlay qaarikamid ah masuuliiyiinta jubbaland oo ugu horeeyo gudoomiye ku xigeenka baarlamanka jubaland Cabdi Baaleey Xuseen, sidoo kale waxaa goobta ka hadlay qaarkmid ah xildhibaanada labada aqal baarlamanka Soomaaliya ayadoo dhamaan mas’uuliyiintani ay siweyn u amaaneyn waxqabdka maamulka Jubbaland mudadii uu jiray.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Suldaan Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud luga dheere ayaa oo ka hadlay gebo gebada munaasabadaasi ayaa sheegey in maamulka uu waxyaabo badan ku guuleystay tan iyo markii la aas aasay.

Like it? Share it!

Leave A Response