Maamulka HirShabelle oo ku dhaqaaqay tilaabo deg deg ah

by admin | Friday, Oct 28, 2016 | 198 views

28 oct 2016 (SofoNews) – Madaxweynaha Hirshebble Ali Abdullahi Osoble ayaa gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan kana mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya waxaa uu ku bedelay mid cusub.

Waxaa xilka gudoomiyaha gobolka Hiiraan loo magacaabay Ali Jayte Osman oo ahaa xildhibaan hore oo Baarlamanka Soomaaliya katirsanaa kaasi oo xilka loo dhiibay Labo usbuuc kaddib doorashada maamulka Hirshabelle.

Dadka qaar ayaa sheegaya in lagu deg degay xil ka qaadista Yusuf Dabageed hasee yeeshee waa tilaabadii ugu horeysay uu qaado maamulka curdunka ah.

Xaalado amni ayaa soo wajahayay Hiiraan xilliyadii ugu dambeeyay walow aan la ogeyn sababaha xilka looga qaaday.

Odayaasha iyo waxgaradka qaarkood oo ka soo jeeda Hiiraan ayaa mucaaradsan madaxweynaha lagu soo doortay magaalada Jowhar.

Like it? Share it!