Maamulka HirShabeele oo ka dalbaday qurba joogta taageero

by Hassan Ali | Monday, Jan 30, 2017 | 126 views

30,January,2017(SofoNews) Xaflad lagu taageerayo Maamulka Hirshabeele ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota  ee dalka Mareykanka taasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin iyo dadweyne aad u badan.

Munaasabadda oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee Waqooyiga Amerika ayaa waxaa qadka taleefoonka ugu qayb galay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Dr Cali Cabdulaahi Cosoble, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele Cali Cabdulaahi Xuseen iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeele Sh Cusmaan Barre kuwaasi oo jaaliyada Soomaalida kala hadlay sidii ay ugu qeyb qaadan karaan dib u dhiska Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Dhmaan ka qeyb galayaasha xafladdaasi ayaa sheegey in ay siweyn u taageersan yihiin horumarada uu ku talaabsanayo maamulka cusub ee Hir-Shabeele ayagoo mas’uuliyiintu ku booriyay in ay dardargeliyaan howlaha loo qabanayo dadweynaha deegaanadaasi.

Waxaa side kale Xaflada ka qeyb galay Xildhibaan Inj Cabdi kariin Cali Nuur oo ka tirsan Maamulka Hirshabeele iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, mas’uuliyiinta HirShabeele ayaa uga mahadceliyay jaaliyadda sida ay u garab taagan yihiin maamulkooda.

Maamulka HirShabeele oo kamid ah dowlad goboleedyada dalka Kajira ayaa wada dadaalo ku aadan dhameystirka dhismaha mamaulkaasi iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Like it? Share it!

Leave A Response