Maamulka HIr-Shabeele oo maanta soo gudbinaya xubnaha aqalka sare

by Hassan Ali | Saturday, Oct 29, 2016 | 152 views

29,October,2016(SofoNews) Maamulka HIr-Shabeele oo dhawaan la dhisa ayaa weli laga dhursugayaa In uu soo gudbiyo xubnaha  u matalidoona aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in Maamul Goboleedka Hirshabelle uu Guddiga Doorashooyinka Dadban u soo gudbiyo Xubnaha Aqalka sare ee Hirshabelle ka soo galaya Dowladda Federaalka Soomaaliya taasi oo haatan qaban qaabadeeda ka socota magalaad Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in Beelaha Dega Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ay durba Qeylo ka keeneen qaabka loo soo xulay Xubnaha Aqalka sare Ee Hirshabelle.

Guddiga Doorashooyinka Marka loo soo gudbiyo Liiska Xubnaha Aqalka Sare ayey dib ugu Celin doonaan Maamulka Hirshabelle,waxaana Baarlamaanka Hirshabelle ay Cod u qaadi doonaan Musharaxiinta ku Tartamaya Kursiga Xubnaha Aqalka Sare.

Dowlada goboleedyada Puntland,Galmudug,Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa soo doortay Aqalka Sare waxaana hadda la sugayaa Hirshabelle iyo Xubnihii ku aaday dadka Dega Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ee hadda loo yaqaanno Somaliland.

 

Like it? Share it!

Leave A Response