Maamulka gobolka Mudug iyo hay’adaha agr gaarka oo ka wada hadlay arrimaha abaaraha

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 28, 2017 | 106 views

27,March,2017(SofoNews) Masuuliyiinta maamulka galmudug oo kulan looga hadlayay wax ka qabashada baahiyada dhinacyada adeega bulshada ee heysta barakacayaasha kula qaatay magaalada Galkacyo xubno ka socday Hay’adda Care international

Kulankaan oo ay soo qaban qaabisay Hay”adda Care ayaa looga hadlayay sida ugu haboon ee wax looga qaban karo baahiyada dhanka adeegyada aas aaska u ah nolasha bini aadamka ee ay u baahan yihiin barakacayaasha ku nool deegaanada Galmudug waxaana kulanka ka ka qeyb galay xubno ka socday ta wasaaradaha Galmudug qaarkood iyo masuuliyiinta maamulka gobalka iyo kan dagmada Galkacyo iyo saraakiil ka socatay Hay’adda
Care

Nimco xasan iyo Cali Axmed maxamed oo ku hadlayay magaca hay’adda Care ayaa ugu horeyn kulanka ka hadlay iyagoona ka warbixiyay ujeedka uu ku saabsan yahay kulanku waxayna sheegeen in ay ugu talagaleen dadka dhibaataysan in wax loo qabto.

“Maadaama ay halkaan nala fadhiyaan madaxdii waxaa kulanka uu yahay mid aan uga wada hadleyno mashruuc ay Hay’adda care wado oo ah sidii wax loogu qaban lahaa dadka barakacayaasha eek u sugan Galmudug wuxuuna mashruucaan socon doonaa muddo sadax sano ah waxaana ku baxaya lacag dhan 10’000 (Toban kun oo yuuro) meelaha looga shaqeyn doonana waa puntland oo boosaaso iyo galkacyo waqooyi ah iyo Galmudug oo galkacyo koofur ah cadaado iyo dhuusa mareeb)

Duqa dagmada Galkacyo Xirsi yuusuf barre iyo wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee galmudug Cumar maxamed diiriye Waxayna siweyn u soo dhaweeyeen dadaalada wax loogu qabanayo dadka dibaataysan oo ay abaaruhu saameeyeen, ayagoo ku amaanay hay’adah gar gaarka sida ay u garabtaagan yihiin dadka dhibanayaaasha ah.

Like it? Share it!