Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Alshabaab

by Hassan Ali | Friday, Dec 30, 2016 | 211 views

30,December,2016(SofoNews) Deeganada Galmudg oo kamid ah meelaha ay ku sugan yihiin ururka Alshabaab ayaa laga dareemayaa dhaq dhaqdhaqaayo ku aadan dagaal lagu qaado Shabaab.

Taliska  qaybtooda 21-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan Galmudug iyo ciidamada AMISOM ayaa si wada jir ah ugu diyaar garoobaya hawlgal ka dhan ah xooxda shabaab, kaas oo looga saarayo deegaanada ay wali kaga harsanyihiin Mudug iyo Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadu ay bilaabeen rondo ay ku sameeynayaan  deegaano dhowr ah oo hoos yimaada Magaalada Cadaado, kaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo wada shaqaynta Ciidamada.

Abaanduulaha qaybta 21aad G/sare C/laahi Aadan Xuseen (Col Cirro) ayaa sheegay in ay qaadi doonaan dhawaan hawlgal deegaanada Galmudug looga  cirib tirayo kooxda Shabaab.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Burundi ee ku sugan Cadaado ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM Major Emmanuel Ndayishimiye ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in maanta ay hawlo shaqo ku yimaadaan deegaano ka baxsan Cadaado, ayna la hawlgali doonaan ciidanka xoogga qaybtooda Galmudug ku sugan.

Deegaanada Puntland iyo Galmudug ayaa mudooyinkii ugu dambeeyeey waxaa ka jiray howlgalo lagula dagaalamayo alshabaab

Like it? Share it!