Maamulka cusub ee Hir-Shabeele oo baarlamaan cusub yeeshey iyo dowladda oo taageertay

by Hassan Ali | Monday, Oct 10, 2016 | 152 views

10,October,2016(SofoNews) Ayadoo la dhaariyaay xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Galmdug ayaa arrintaasi waxaa siweynu soo dhaweyey dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay dhismaha baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka cusub ee KMG ee HirShabeelle oo lagu dhaariyay magaalada Jowhar oo ah xarunta maamulkaasi cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay si weyn u soo dhoweyneyso baarlamaanka cusub ee maamulka HirShabeelle, isla markaana ay wadashaqeyn buuxda la yeelan doonto maamulkan cusub.

Dhanka kale Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay inay soo dhoweynayaan dhismaha Xildhibaanada Maamulka cusub Hirshabeele ee uu yeelnayo.

Maamulka Galmudug ayaa War saxaafadeedkooda ku xusay in ay soo dhaweynayaan isla markaana ay ballanqaadayaan inay la shaqeyn doonaan Maamulka cusub ee Hirshabeelle oo lagu wado in toddobaadkan la soo dhamaystiro Maamulkiisa.

Xildhbaanada Maamulka cusub ee la magac baxay Hirshabeelle ayaa tiradoodu ka kooban tahay 69, waxaana xalay lagu dhaariyay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada dhexe, iyadoo laga dhur sugayo in ay doortaan Guddooiye iyo ku xigeenadiisa.

 

Like it? Share it!

Leave A Response