Maamulka Banaadir oo wada qorshooyin la xiriira arimaha cadaaladda

by admin | Sunday, May 7, 2017 | 96 views

7 May 2017 (sofonews) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaal la xiriira sidii wax looga qaban lahaa cadaalad la’aanta jirta.

Taabid Cabdi ayaa sheegay in uu heysto warbixinno dhameystiran oo la xiriira heerka ay gaarsiisantahay caddaalad darida gobolka isaga oo xusay in uu waxbadan ka ogyahay cadaalad darida jirta maadaama uu ahaa muwaadin degan muqdisho.

Waxaa uu xaqiijiyay in ay jiraan qaladaad badan oo cadaaladda ku saabsan kuwaasina uu doonayo in la saxo.

Arimaha la xiriira dhulka iyo muranada ayaa kamid ah waxyaabaha uu xalinayo.

Like it? Share it!

Leave A Response