Maamulka ahlusuna ee gobolada Dhexe oo meel fagaare ah shacabka ugu sheegey in dowladda ay heshiisyo la galeen

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 14, 2017 | 177 views

14,March,2017(SofoNews) Sh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay inay Dowlada Fadraalka ay ka wada hadleen waxyaabo badan ayana ka mid yihiin dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Soomaaliya iyo Amniga gudaha Soomaaliya.
Wuxuu intaasi ku daray in dowladda ay isku afgarteen in si wada jir ah loola dagaalamo ururka Alshabaab islamarkaana wada hadalo lagu dhameeyo qilaaf kasta oo ka dhex jira bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.
Mas’uuliyiinta ahlusuna ayaa uga mahadceliyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya dadalka ay ku doonayaan isbedel lagu sameeyo marxaladda haatan uu dalka marayo.

Sheekh Axmed Shaakir hogaamiyaha maamulka ahlusuna waljamaaca ee gobolada Dhexe ayaa balanqaaday in la oofindoono heshiiskasta oo ay la galeen dowladda Soomaaliya.
Waa markii ugu horeysay oo hadal ceynkaan ah uu ka soo yeero ahlusunada gobolada dhexe ee Soomaliya ayadoo dowladdii hore ay ku guul dareysatay in ay soo afjarto qilaafka kala dhexeeyeey maamulka ahlusuna ee goboladaasi.
Wefdi ka socoda maamulka ahlusuan ayaa lagu casuumay munaasabadii caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhacday Muqdisho taasi oo muujinaysa ififaalo ku aadan isku soo dhawaanshiyaha ahlusuna iyo dowladda Soomaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response