Maalinta beri ah oo labilaabayo Lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay dadka ka dhoofaya garoonka Muqdisho

by Hassan Ali | Thursday, Feb 16, 2017 | 176 views

16,February,2017(SofoNews) Maalinta beritu ah o taariikhdu ay ku beegantahay 17 bisha February ayaa waxa bilaabanaya lacago dheeraad ah oo laga qaadayo dadka ka dhoofaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalaad Muqdisho.
Maareeyaha Garoonka Aadan Caddi Mudane Cabdi Ashkir ayaa Sheegay in dadka ka dhoofaya Garoonka Aadan Cadde una Socdaalaya Goballada Dalka Laga Qaadayo Lacag Dhan $5, Halka Dada u safraya Meelaha Dalka ka baxsana laga Qaadayo Lacag Dhan $10, Lacagtaasna lagu qaadi doono boono ay jareyso Wasaaradda Maaliyadda.
Ujeedada arrintani ayaa ah mid logu talagalay in loogu gar gaaro dadka ay saameeyen abaaraha ku dhuftay gobolada dalka Soomaaliya.
Mudane Ashkir ayaa Sheegay in Tallaabadaani ay mid KMG ah oo Socon doonto muddo ku Eg Sadex Bil, go’aankaasina lagu gaaray kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya uuna shir guddoominayay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid.
Go’aanka ayaa sida Qorshuhu ahaa dhaqangalayay Maanta oo Arbaco, hase yeeshee Maamulka Garoonka ayaa Qaatay Go’aan kale oo dadweynaha lagu Ogeysiinayo waxyaabaha soo Kordhay kadib markii maanta uu caqabad ku noqday dadka ka dhoofayay garoonka, balse maanta la isla gartay in Fulinta Go’aanka la gaarsiiyo illaa Maalinta Jimcaha si dadweynhu ay ugu soo talagalaan.
Maareeyaha Goroonka Aadan Cadde ayaa ka codsaday Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay bixiyaan lacagaha lagu soo kordhiyay si loogu Caawiyo Walaalahooda Soomaliyeed Ee Abaartu Saameysay.

Like it? Share it!