Ma runbaa in dowladda Kenya ay markale cusboonaysiisay dhismaha derbiga xuduuda labada dal

by Hassan Ali | Saturday, Oct 29, 2016 | 135 views

29,October,2016(SofoNews) Wararka ka imaanay adalka Kenya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay sheegtay in Derbigii ka dhiseysay  Xadka ay la wadaagto Soomaaliya ay dhameystiri doonto Mudo ku siman 75 Maalmood Gudahood.

Guddoomiyaha Magaalada Mandheera Ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in Dhismaha Derbigu uu hadda marayo Meel Wanaagsan islamarkaana uu Qorshahoodu yahay in 75 Cisho Gudaheed lagu soo Afmeero.

Macadda sabaabta soo dedejisay dhismaha derbigaasi in dib loo soo hadal qaado arrintaasi oo horey u dhalisay caro xoogan  oo u dhexeysa labada dowladood iyo shacb intuba.

Kenya ayaa sheegtay in Dhismaha derbiga ay ku qasabtay Weerarada Al-shabaab ay ka geystaan Gudaha Kenya,waxaana ay sheegeeysaa in ay Derbiga Dhismihiisa ay Xoogga saari doonto si loo yareeyo Weerarada Shabaab.

Derbiga ayaa Dhirir ahaan gaaraya illaa 30 KM oo ku yaalla Xadka,waxaana Dowladda Soomaaliya ay horay uga hortimid Dhismaha Derbiga ay Kenya ka wado Xadka.

Arrintani ayaa ku soo beegmaysa xili dhawaanahanba ay sii kordhayeen weerarada lagu qaadayo qeybo kamid ah dalka Kenya kuwasi oo lagu eedeyeey in ay ka dambeeyeen ururka Alshabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response