Ma ogtahay tirada ciidamada Jubba ee qeybka ka ah dagaalka Gaalkacyo?

by admin | Wednesday, Oct 26, 2016 | 145 views

26 Oct 2016 (SofoNews) –  Taliyaha qeybta Booliiska maamulka Galmudug oo la hadlayay warbaahinta ayaa faafaahin ka bixiyay tirada ciidamada Jubba ee garabka siinaya Puntland dagaalka Gaalkacyo.

Ciidamo ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa tan iyo bishii la soo dhaafay ku dagaalamaya magaalada Gaalkacyo, waxaana haatan saraakiisha Mudug ay sheegayaan in dagaalka ay ku soo biireen ciidamo ka socoda Jubba.

Gaashaanle dhexe Maxamed Nuur Gadaar ayaa sheegay in ciidamada ay qabteen oo ka soo jeeda jubba aysan ahayn hal iyo labo balse ay yihiin kuwo badan oo laga maamulo magaalada Kismaayo sida uu warka u dhigay, isaga oo intaa ku daray in ciidamada ay qabteen ay u soo bandhigayaan dowladda iyo beesha caalamka.

Taliyaha ayaa tilmaamay in Puntland haatan ay garab ka raadsatay Jubba taasi oo ka dhigan in iyaga oo xulufo ah ay dagaal kula jiraan Galmudug.

Askari laga soo qabtay meesha dagaalku uu dhacayay ayaa sheegay in uu kamid ahaa ciidamada jubba ee Kismayo lagu soo tababaray isaga oo xusay in uu Military yahay isalamarkaasina tirada jubba laga soo diray ay gaarayaan 700 oo askari oo muddo 2 bilood ah ku sugan Gaalkacyo.

Like it? Share it!

Leave A Response