Loolankii ugu xooganaa oo MUqdisho oo socoda iyo bandow bilowday

by Hassan Ali | Monday, Feb 6, 2017 | 144 views

6,February,2017(SofoNews) Ayadoo waqtiga doorashadu ay ka yertahay 48 saacadood ayaa magaalaad Mqdisho waxaa ka bilowday ololihii ugu dambeeyeey eek u aadan sidii musharaxkasta oo cod uga heli lahaa xildhibaanada ayaa ka soconaya magaalaad Muqdisho.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyey ayadoo mashquul xoogan uu kajiro hoteelda iyo xarumaha muhiimka ah ee magaalada Muqdisho taasi oo keentay in qaar kamid ah musharixiintu ay ka baaqsadaan dood wadaag dhexmari lahaa.

Saadasha aad ayay isugu dhowdahay ,laakiin qiyaas kasta oo la bixiya wax saameyn ah kuma yeelanayso cod bixiyaasha labada aqal maadama ay ku jiraan, siyaasiyiin xil doon ah, xildhibaano lacag doon ah iyo dhalinyaro siyaasadda ku cusub oo meel laga jiro aan ogeyn.

Hadal haynta ugu badan ayaa ah in isbedel uu yimaado inkastoo dadka qaar ay qabaan in Xasan Sheekh dib loo doorto sidii sii amba qaado howlaha u harsan dowladda.

Dadaalka ugu weyn ee Musharaxiinta ayaa ah inay helaan codod badan, si ay ugu soo baxaan wareega labaad, isla markaana waxaa uu nin walba dadaal ugu jiraa inuu noqdo afarta Musharax ee ugu codka badan, kuwaasoo u gudbaya wareega labaad.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo rogay bandow ilaa doorashadu ay dhamaato taasi oo looga gol leeyahay in lagu sugo nabad geliyada.

Like it? Share it!