Loolan adag oo xagga siyaasadda ah oo ka soconaya magaalada Muqdisho

by Hassan Ali | Monday, Jan 30, 2017 | 175 views

30,January,2017(SofoNews) Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka soconaya kulamo gaar gaar ah oo musharixiintu ay la yeelanayaan xubnaha labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya ayagoo taageero karaadinaya.

Musharixiinta oo gaaraya ilaa 24 qof ayaa waxaa midkasta uu ku howlan yahay sidii uu kalsooni uga kasban lahaa xubnaha labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya inkastoo aan la saadaalin Karin qofka ku guulaysandoona.

Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ah musharixiinta ugu cadcad loolanka siyaasadeed kuwaasi oo ku mashquulsan xod xodashada xubnaha baarlamanka.

Xasan Sheekh Max’uud ayaa Xalay Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaano isugu jira Labada Gole ee Baarlamaanka,kuwaas oo gaarayay 180 Xildhibaan balse wararka qaar ayaa sheegaya in tiradaasi aysan run hayan.

Guddiga doorashooyinka ayaa sidoo kale sheegey in qaab caddaalada ah ay u qaban doonaan hanaanka doorashooyinka ayadoo lafilaya in guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya uu magacaabo guddi ka shaqeeya ka hortaga musuqa.

Arrintani ayaa timid kadib markii musharixiintu ay ka codsadeen guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya in uu ka hortago isku daykasta oo dhanka musuqmaasuqa laxiriira.

Doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya oo ay u ordeyaan 24 Musharax ayaa loo mudeeyay in ay dhacdo 8-bisha soo socota.

 

Like it? Share it!