Lataliyihii amaanka qaranka ee madaxweyne Donal Trump oo iscasilay

by Hassan Ali | Tuesday, Feb 14, 2017 | 145 views

14,February,2017(SofoNews)Iscasilaadda lataliyihii dhanka amaanka ee Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa kadambeysay kadib markii madaxweynuhu uu sheegay “in uu qiimaynayo” xiriirkii uu kaaliyihiisa dhanka ammaanku la yeeshay danjiraha Ruushka, sida uu sheegay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka.
Michael Flynn ayaa aad loo falanqeeyay iyadoo bartanka lagaga jiro warar sheegaya in uu safiirka Ruushka kala hadlay xayiraadaha Ruushka saaran ka hor caleemo saarkii madaxweynaha.
Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa meel fagaare ah ku diiday eedaymahaas isaga oo u hadlaya jeneraalkaas hore ee shaqada ka fariistay.
Flynn ayaa ka raaligeliyay madaxweyne ku xigeenka jahwareerka ku saabsan wadahadalkii uu la yeeshay safiirka Ruushka Sergei Kislyak.
Flynn ayaase Aqalka Cad u sheegay in laga yaabo in laga wadahadlay xayiraadaha Ruushka saraan.
Waa sharcidarro in shaqsiyaaad muwaadiniin ah ay si iskood ah faraha ula galaan dublamaaasiyadda Maraykanka, taleefanadaasna waxay ku aadanaayeen dhamaadkii sanadkii hore ka hor inta aan Flynn loo magacaabin in uu maamulka ka mid noqdo.
Afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer ayaa sheegay in madaxweynuhu qiimaynayo xaaladda.
Xiriirka dhanka diblomaasiyadda ee u dhexeeya Ruusha iyo Mareykanka ayaa inta badan ku dhisan tuhun iyo shaki maadaama labada dal ay yihiin dalala awood leh islamarkaana uu loolan adag uu ka dhexeeyo.
Lataliyihii amaanka qaranka ee madaxweyne Donal Trump oo iscasilay
18 qof camaara mudug xiray, bacaadweyne shabaabab saraakiisha qaar jeheysi
Nuur Jimcaale dr
heshiis
saldhiga imaaraadka 8 sanigaal soomaaliya, iraan burcad badeed 2012, 12 badmaaxe weli /dibadbaxyo, shirkadda albeerik, horey loo eryey, afaafka dekedda, boorar madxweynha codsi, dib ugu celin,

Max,ed C/laahi Max,ed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa siyaabokaladuwan u qaabilaya diblomaasiyiinta caalamka u fadhiya Soomaaliya ayagoo ka wada hadlaya xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo caalamka.
Madaxweynaha ayaa kulamadii ugu dambeeyeey la yeeshey wufuud ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si ay uga wada hadlaan sida ay beesha caalamka uga qeyb qaadan karto gurmadka abaaraha.
Wafdigan oo uu hoggaaminayay K/Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isu duwaha arrimaha gargaarka ee Soomaaliya Mudane Peter de Clerq ayaa isku afgartay in si degdeg ah loo qabto kulan ay goobjoog ka yihiin dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, hay’adaha gargaarka iyo guddiga gurmadka abaaraha kaas oo lagu lafa gurayo sidii kaalmo degdeg ah loo gaarsiin lahaa meelaha ay abaaruhu ku dhufteen.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Mudane Alexander Rondos iyo Danjire Veronique Lorenzo oo hormuud u ahaa wafdi ka socday Midowga Yurub, waxayna ka wada hadleen sidii Midowga Yurub uu u xoojin lahaa taageerada dhaqaale ee ay ku bixiyaan dhismaha hay’adaha amniga Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ka guddoomay Mudane Xasan Bin Xamza oo madax ka ah safaaradda Qadar ee Soomaaliya, hambalyadaas oo ay soo direen Amiirka Qadar Mudane Tamim Bin Hamad Al Thani, Ku Xigeenkiisa iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, waxayna u rajeeyeen madaxweynaha cusub ee la doortay inuu Alle u fududeeyo hawlaha culus ee horyaalla.
Tan iyo markii uu madaxweyne Farmaajo la doortay waxaa sii kordhayay diblomaasiyiinta lakulmaysa nadaxweynaha ayadoo dhawaana lagu wado in loo caleema saaro xilkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response