Labo qof cadaan ah oo meydadkoodi laga heley xeebaha magaalada Marka

by Hassan Ali | Wednesday, Jan 4, 2017 | 205 views

4,January,2017(SofoNews) Sida ay goob joogayaal ay ku waramayaan Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Xeebta Degaanka Gandershe laga helay Meydadka Labo Ruux oo Caddaan ah islamarkaana Baddu ay soo tuftay.

Dadka deegaanka ayaa ku sheegey meydadkani  inuu Jirkooda dhaawacyo ka muuqdo islamarkaana ay u badinayaan in ay yihiin Dalxiiseyaal.

Labada Ruux oo Meydkooda laga helay Xeebta Degaanka  Gandershe oo Hoostaga Degmada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ayaa kala ah Nin iyo Haweeney,waxaana Degaanka laga helay Meydadka Maamula Shabaab.

Ururka Alshabaaba aya awarbaahintooda ka sheegey in  Meydadka laga helay Xeebta Degaanka  Gandershe, ay aaseen

Ma jirto Cid Weli Ogaan karta Dalalka ay ka soo jeedaan Labada Qof ee Meydkooda laga helay Xeebta  Gandershe iyo  Dhibaatada sida ay u soo gaartay.

Hadal haynta ugu badan ayaa ah sababta keentay geerida dadkaasi, marka laga soo tago meydadkooda oo la heley oo kaliyaha.

Like it? Share it!