Labo gabdhood oo Soomaalid walaalo ah oo xalay lagu dilay Canada

by Hassan Ali | Sunday, Dec 18, 2016 | 231 views

18,December,2016(SofoNews) Ilo wareedyo laga helayo Soomaalida kunool dalka Canada ayaa sheegaya in Meydadka Labo Gabdhood  oo Soomaali ah islamarkaana wada dhashay laga helay Guri ku yaalla Magaalada Ottawa ee Dalka Canada kuwaasi oo la dilay haeebkii xalay ahaa.

Rabbi ha u naxariistee Labada Gabdhood oo  Meydkooda la helay ayaa lagu kala Magacabaa Nasiibo Cabdiraxmaan iyo Asmo Cabdiraxmaan oo ahaa labo gabdhood oo walaalo ah islamarkaana da’ahaan is xigay

Sida la tuhunsanyahay Gabdhood waxaa  dileen Kooxo Hubeysan kuwaas oo ku Qariyay Guri ku yaalla Magaakada Ottawa, oo markii dambe laga helay waxaana la sheegey in dilkooda loo adeegsaday toorrey.

Da’dooda ayaa lagu kala sheegay 23-Sano jir iyo 32 Sano jir,waxaana Booliska Canada ay sheegeen in ay baarayaan ciddii Dilkooda ka dambeysay.

Dalka Canada ayaa  kamid ah wadamada inta badan lagu dilo dadka Soomaalida ah waxaana sanadkasta falalkaasi la sheegey in ay u wareegsadaan hadbo gobo lama magaalo Cusub.

Like it? Share it!