La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay guuxa katagaan amniga qaranka

by Hassan Ali | Wednesday, Apr 26, 2017 | 62 views

26,April,2017(SofoNews) Xuseen Macalin Maxamud (Damuumaaye) ayaa sheegay in ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal u soo dhabar adeygay difaaca dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed, ayna intooda badan ay muddo ka badan 10 sano heegan joogta ah ugu jiraan furumaha oo ay kula dagaalamayaan Cadawga, sida uu yiri.

Waxaa uu meesha ka saaray inay jiraan qorshe lagu kala dirayo ciidanka xoogga dalka, isla markaana fasiraad aan sax aheyn laga bixinayo qorshaha Amniga Qaranka sida uu yiri.

Wuxuu sheegey in uusan jirin qorshe lagu kala dirayo ciidanka XDS taaaso aan waafaqsaneyn Qorshaha Amniga Qaran, Dowladda Federaalka waxay sii xoojineysaa howlaha cidianka Xoogga dalka, mooyee ma dhici karto wax dalka dib u celiya”ayuu yiri La Taliyaha Amniga Qaranka.

Si shacabka ay u fahmaan dooda Qorshaha Amniga Qaranka waxaan halkan hoose ku soo gudbineynaa sida uu u qoran yahay arrinka ku saabsan ciidamada:

Sida waafaqsan sharciga dalka u yaala Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu ka kooban yahay sida tan soo socota

Ciidanka Lugta
Ciidanka Cirka
Ciidanka Badda

Waajibaadka ciidanka XDS waa

Ilaalinta midnimada Qaranka
Illaalinta iyo difaaca xuduudaha dalka
Difaaca cadawga dibadda iyo kan gudaha oo u abaabulan qaab hubaysan oo

khatar galiyaan xasiloonida dalka

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlada goboleedyada ayaa sheegey in Qorshaha Amniga Qaranka lagu xusay in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (XDS) tiradiisu ay noqoneyso ugu yaraan 18,000 oo ayan ku jirin ciidanka cirka, kuwa badda iyo ciidamada gaarka ah ee gaashaaman.

 

Like it? Share it!

Leave A Response