La soco arrimihii ugu dambeyeey ee dhismaha golaha wasiirada

by Hassan Ali | Sunday, Mar 19, 2017 | 150 views

19,March,2017(SofoNews) Kadib wadatashiyo iyo loolan adag oo maal mahan kataagana magacaabista golaha wasiirada dowladda Soomaaliya, aya waxa warar soo baxaya ya sheegayaan in ay gebo gebo ku dhowdahay howsha magacaabista.
Wax yaabaha ugu badan oo golaha wasirada ay isku hayeen ayaa waxaa kamid ahaa qaabka awood qeybsiga xukuumadda taasi oo keentey dib u dhacyo badan waxaana la sheegayaa in haatan uu jiro isku tanaasul iyo isku soo dhawaansho sida ay sheegayaan ilo wareedyo laga helayo aqalka madaxtooyada Soomaaliya.
Inkastoo ilaa iyo haatan aan si rasmi ah loo xaqiijin karin ayaa waxaa wararka qaar ay sheegayaan in xiliyada soo socda ay suuro gal tahay in lagu dhawaaqo golaha wasiirada xukuumadda Xasan Kheyre.
Guddoomiyaha baarlamanka, iyo madaxweynaha K,galbeed ayaa la sheegey in ay qeyb ka ahaayeen muranka taagnaa ayadoo haatan guud ahaan siyaasadda ay isku soo dhawaatay
Waxaa ka harsan waqti aad u yer oo ah ilaa 10 casho mudada uu qabo dastuurka KMG ah ee dalka u yaala, ayadooo siweyn loo sugayo isbedel siyaasadeed in uu ka muuqdo xukuumadda cusub iyo in kale

Like it? Share it!