Kulankii ugu horreeyey ee xildhibaanada csuub dhaarintooda oo dib u dhac kuyimid

by Hassan Ali | Thursday, Dec 15, 2016 | 145 views

15,December,2016(SofoNews) Ayadoo Maanta lagu waday in Magaalada Muqdisho lagu dhaariyo Xildhibaanada Labada Aqal ee lagu soo doortay Maamul Goboleedyada iyo caasimadda Muqdisho ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in dib u dhac uu ku yimid arrinkaasi.

Macadda ilaa iyo haatan sabaabta dhabta ah ee ka dambeysay dib u dhacaasi, balse wuxuu imaanaya ayadoo shalay guddiga xalinta khilaafaadka uu shaaciyaya in 11 kamid ah xildhibanaada cusub dib loogu celiyaay liiskooda maamulada kadib markii lagu eedeyeey musuq maasuq.

Madasha Hogaamiyaasha Qaran ayaa Kulankii ugu dambeeyay ku Go’aamiyay in 15-ka Bishaan oo Maanta ah in la dhaariyo Xildhibaanada Labada Aqal ee la soo doortay.

Dowlada goboleedyada  Puntland,Galmudug,Hirshabelle,Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa soo Gaba gabeeyay Doorashadii ka socotay,iyadoo Magalaada Muqdisho lagu doortay 20 Kursi oo kamid ah Xildhibaanada Beelaha Gobolada Waqooyiga Soomaaliya ka soo jeeda iyo Kuraastii Reer Banaadiriga.

Waxaa loo balansan yahya in 18 bishan ay dhacdo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka halka madaxweynaha lafilayo in la doorto 28 bishan December lamina saadaalin karo suuro galnimada doorashadaasi

Like it? Share it!

Leave A Response