Kulan looga hadlayay arrimaha garsoorka oo Muqdisho ka dhacay

by Hassan Ali | Saturday, Dec 24, 2016 | 240 views

24,December,2016(SofoNews)Kulanka oo ay soo qaban qaabisay jaamacadda Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galaya guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo gudoomiyaha Racfaanka gobolka iyo mas’uuliyiin kale kaasi oo looga hadlayaya arrimaha garsoorka dalka.

Mudo 2 maalmood ah oo uu socondoono kulankani ayaa lafilaya in lagu gorfeeyo baahiyaha loo qabo horumarinta adeegyada garsoorka, iyo  qiimeynta baahida loo qabo in la helo tababar garsoor si loo hormariyo cadaaladda iyo arimaha garsoorka.

Madaxda ka qeyb gashay kulanka ayaa ka qeyb galayaasha la wadaagay aqoontooda iyo halka uu marayo arimaha garsoorka dalka, iyagoo u sheegay ka qeyb galayaasha in wali lagu howlan yahay dhismaha iyo horumarinta hay’adaha garsoorka dalka.

In tabadan garsoorka Soomaaliya ayaa lagu sheegaa in aanu dhameystirneed inta badan ay jiraan cadaalad daro ay dadku ka tabanayaan sida ay u shaqeeyaan hay’adaha garsoorka dalka.

Like it? Share it!