Kulan lagu taageerayay raiisul wasaaraha oo ka dhacay Nairobi

by Hassan Ali | Sunday, Mar 5, 2017 | 101 views

5,March,2017(SofoNews) Munaasabadda ayaa waxaa soo qaban qaabiyay jaaliyadda Soomaalida ku nool magaalada Nairobi, waxaana u jeedkeedu uu ahaa taageero iyo hambalyo loo muujinayay madaxweynaha iyo raiisul wasaaraha.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya, Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya, siyaasiyiin, aqoonyahanno, waxgarad, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya Amb. Jamaal Maxamed Xasan oo furay munaasabadda ayaa sheegay in dowladda cusub ee Soomaaliya ay ka go’an tahay wax u qabashada dadka Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow oo dadkii munaasabadda isugu yimid ka codsay in ay dowladda dhaqaale ku taageeraan, dhankiisana Aadan Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, ayaa tilmaamay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay in ay wada-shaqeeyaan Soomaaliya.
intii ay socotay xafladda ayaa qadka taleefoonka waxaa uga qeybgalay Ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, isagoo u mahad celiyay dadkii xafladda isugu yimid, waxaana uu tilmaamay in dowladda uu dhisi doono ay ka shaqeyn doonto midnimada umadda iyo samata bixinta dalka, ayna ka fogaan doonto wax walba oo isku dhac keeni kara.

Like it? Share it!

Leave A Response