Ku dhawaad 70 qof oo shuban biyoodka ugu geeriyootay gobolka Bay

by Hassan Ali | Saturday, Mar 4, 2017 | 109 views

4,March,2017(SofoNews) Tan iyo markii ay abaaruhu ku dhufteen gobolada dalka Soomaaliya waxaa soo ifbaxaya deegaano cudurka shuban biyoodka u ka dilaacay waxaana haatan sii kordhaysa tirada dadka u geeriyoonaysa cudurkaasi.
Ilo wareedyo laga helayo deegaano katirsan gobolka Bay ayaa sheegay in ku dhawaad 70 qof ay ugu geeriyoodeen deegaanadaasi cudurka shuban biyoodka o fara ba’an ku haya deegaanadaasi.
Guddoomiyaha degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin ayaa sheegey in xaaladaha abaaraha iyo macluusha kajirta deegaanada hoosyimaada magaaladaasi ay sii kordhayaan.
Degaanka Owdiinle ee ka mid ah degaanada hoos yimaada Magaalada Baydhabo ayaa ka mid ah meelaha ay ku dhinteen dadka ugu badan ee ay saameeyeen Abaaraha.
Gudoomiye dhanka Arimaha Bulshada degaanka Owdiinle gobolka Baay Cabdullaahi Cumar Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in dad badan ay la ildaran yihiin cudurka ,islamarkaana hadda ay u dhinteen 69 qof.
Dowladda Soomaaliya , Maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Hay’addaha Gargaarka ayuu ugu baaqay in ay Gargaar deg deg ah in ay lasoo gaaraan dadka ku dhibaateysan degaanka Owdiinle.
Sidoo kale gobolka Bokool tuulooyn kamid ah ayaa laga soo sheegayaa in ay kajiraan abaaro baahsan oo saameyeey nolosha dadka iyo duunyada halkaasi oo dad badan ay u dhinteen cudurkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response