Ku dhawaad 1000 kun tahriibayaal ah oo ku dhintay xeebaha Liibiya

by Hassan Ali | Tuesday, Feb 21, 2017 | 142 views

21,February,2017(SofoNews) Warar laga helayo dalka Liibiya ayaa sheegaya in xeebaha dalkaasi laga heley Maydadka 87 tahriibayaal musiibadasi oo ka dhacday gobolka Zawiya ee dalkaasi .
Lama xaqiijin karo qaabka ay wax u dheceen balse waxaa la hadal hayaa in doonayeen inay ka tallaabaan badda Mediterranean-ka, si ay u gaaraan Taliyaaniga waxaana mar dambe la guddoontay doonidi ay saarnaayeen.
Waxaa la rumeysan yahay in doonta noocaas ah lagu qaado 120 qof, Shaqaalaha gurmadka waxay sheegeen in ay suuragal tahay in maydadka qaar ay biyaha hoos u galeen, waxaana la sheegayaa in Qaar ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen caruur.
Afhayeen u hadlay hay’adda Bisha Cas ee Liibiya wuxuu sheegay in maydad badan ay ka soo aruuriyeen xeebta.
Maxamed Al-Misrati wuxuu sheegay in maamulka deegaanka ay maydadka geeyeen qabuuro ku yaalla magaalada Tripoli.
hay’adda Bisha Cas ayaa baahisay sawiro muujinaya tobannaan maydad oo baco lagu xiray oo yaalla xeebta.
Hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobeey ee IOM waxay sheegtay in doonta Axaddii ay ka safartay Liibiya, “waxaana saarnaa 110 qof”.
Tiradan dhimashada ah ayaa sii kordhinaysa dadka ku geeriyoonaya xeebaha dalalka Liibiya iyo MAsar waxaana tiradan ay ka dhigaysaa 5,000 oo qof oo badda ku dhimatay sanadkii la soo dhaafay.

Like it? Share it!