Kooxo hubeysan oo Hiiran ku afduubtay shaqaale katirsan QM

by Hassan Ali | Thursday, Feb 23, 2017 | 113 views

23,February,2017(SofoNews) Sida goobjoogayaal ay ku waramayaan Tuulada Xajuub oo 10-KM Koofur ka xigta Magaalada Baledweyne ayaa laga Afduubtay Shaqaale Soomaali ah oo u shaqeynayay Hay’adda Save The Children oo ka mid ah Hay’addaha QM ee ka howlgala deegaana gobolka Hiiraan.
Dadka deegaanka ayaa sheegey in Shaqaalaha la afduubtay ay gaarayeen saddex Qof oo mid yahay Darawal,waxaana la sheegay in Tuulada Xajuub ee laga Afduubtay ay ka wadeen Howlo Samafal islamarkaana ay Dadka Abaartu hayso u qeybinayeen Gargaar.
Ma jirto Cid sheegatay Afduubka Shaqaalaha Hay’adda Save ee Baledweyne Duleedkeeda ka dhacay,waxaana Degaanka uu yahay mid aysan Gacanta ku heyn Al-shabaab iyo Maamulka Gobolka Hiiraan midna.
Majiran ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha dwladda ee ku aadan falkaasi.
Tani ayaa cabsi ku beereysa howlwadeenada gargarka bani’aadinimoka wada gobolada dalka Soomaaliya, waxaana arrintani ay imaanaysaa xili abaaro baahsan ay kajiraan gobolada dalka Soomaaliya.

Like it? Share it!