Kooxda Barcelona oo xalay Taariikh cusub dhigaty

by Hassan Ali | Thursday, Mar 9, 2017 | 202 views

9,March,2017(SofoNews) Barcelona oo ah koox ka dhisan dalka Spain ayaa xalay ku tumatay kooxda PSG ciyaar ka mid ah tartanka kooxaha Yurub ee Champions Leaque-ga kadib markii ay ka soo kabsatay natiijo aan waligeed koox Yurub ahi ka soo kabsan.
Sida ay daawanayeen taageerayaasha labada dhinac Barcelona ayaa taariikh cusub u dhigtay kooxaha Yurub waxayna noqotay kooxdii abid ugu horaysay ee ka soo kabsatay natiijo 4:0 ah oo loogo soo badiyay kulankii lugta hore waxayna sidoo kale kaga sii dartay in iyada oo gool marti ah laga dhaliyay ay dhinaca kale u dhigtay natiijo aanu qofna rumaysan karin in ay dhacayso.
Ciyaartoyda Barcelona ayaa dhaliyay 4-gool, waxaana xidigii ciyaarta xalay ahaa Naymar oo dhaliyay labo gool sidoo kale lahaa caawinta goolkii guusha uu dhaliyya daqiiqadii ugu dambeysay ciyaarta Sergi Roberto.
Ciyaaryahan Sergi Roberto ayaa noqoday ciyaartoyda taariikhda aan waligeed la ilaawi doonin Bercelona , wuxuuna dhaliyay goolka wadnaha gooyay PSG ee aduunka ku noqoday uqaadan waaga iyo mucjisada aan la rumaysan karin waxayna PSG oo u muuqtay in ay ilbiriqsi ka hor u soo baxayso Champions Leaque-ga ay markiiba ku dhaceen dhulka.
Dhanka kale kooxda Borussia Dortmund ayaa iyana 4-0 ku reebtay naadiga reer Portugal ee Benfica . Koobka horyaalada Yurub ee UEFA Champions League ayaa ilaa hada waxaa 8-da kama dambeeysta soo gaaray kooxaha kala ah Real Madrid , Fc Bayern München , Borussia Dortmund iyo Fc Barcelina.
Hadal haynta ugu badan ayaa noqotay ciyaartii xalay dhexmartay labad kooxood ee Barcelona iyo PSG taasi oo siweyn looga dareemay daafaha caalamka ayadoo taageerayaal jidbaysan meelo badan lagu arkayay.

sergi_2 sergi_3 sergi_4 sergi_5 sergi_6

Like it? Share it!