Kooxda Barcelona oo xalay cashir loo dhigay

by Hassan Ali | Wednesday, Feb 15, 2017 | 139 views

15,February2017(SofoNews) Waxaa ciyaar aad u kulul dhexmaratya xalay kooxaha Barcelona ee Spain iyo PSG ee dalka Faransiiska ayadoo Barcelona wacdaro lagu dhigay.

Saddexda weeraryahan ee halista ah sida Messi, Neymar iyo Suarez ayaa wax saameyn ah ku yeelan waayay ciyaarta taasi oo ka yaabisay daawadayaasha iyo dadkii taageerayaay intuba.
Julien Draxler oo dhowaan ku soo biiray PSG ayaa xalay u dhaliyay goolkiisCiyaar aad u kululeyd ayaa dhexmartay kooxda kubadda cabgta Barcelona ee dalka Spain iyo kooxda PSG taasi oo hayd lugta hore ee wareega 16-ka Koobka Champions League, iyadoo ciyaartii ugu xiisaha badneyd ay aheyd tii dhex martay Kooxaha PSG iyo Barcelona.
Kooxda PSG oo ka dhisan Faransiiska oo ciyaar aad u adag la soo baxday ayaa Barcelona ku garcaaday 4-gool iyo waxba, waxaana labo ka mid ah goolashaas dhaliyay ciyaaryahan Di Maria oo xalay u dabaal a u horeeyay ee Koobka Champions League.

Sidoo kale ciyaaryahan Cavani ayaa isna dhaliyay goolkii afaraad, sidoo kale waxay xalay u aheyd dhalashadiisa, waxaana garoonka Parc des Princes uu ahaa habeen farxado kala duwan kulmiyay.

Barcelona ayaa lugta labaad ee Koobka Champions League waxay ku ciyaari doontaa gurigeeda, waxaana looga fadhiyaa inay 5-gool iyo waxba ku soo badiso, si ay ugu soo gudubto wareega 8-da.

Waxaa caawa la ciyaarayaa ciyaar kale oo xiiso leh, taasoo dhex mari doonto kooxaha Bayern Munich iyo Arsenal

dimaria (1) dimaria dimaria1 dimaria2 dimaria3 dimaria4

Like it? Share it!

Leave A Response