Koox Daacish ah oo Lawareegay Degmada Qandala

by admin | Wednesday, Oct 26, 2016 | 158 views

26 Oct 2016 (SofoNews) – Sida uu Sheegay Gudoomiyaha Dagmadda Qandala ee Gobolka Bari, Jaamac Maxamed Khuurshe, Xoogag ka Tirsan Islaamiyiinta Kooxda Daacish ayaa la wareegay magaaladaasi

Magaaladda qandala oo Ah Magaalo xeebeed qadiimi ah ayeey ciidamadani saaka soo galeen Subixii Hore, Ayagoona isku kala Balaariyay Xaafadaha Kala duwan ee ay ka koobantahay,

Gudoomiyaha Qandala ayaa intaas ku daray in meelaha muhiimka ah ee magaalada ay la wareegeen ciidamadan, ayagoona calankooda ka taagtay Halkaasi,

Wuxuu dhinaca Kale sheegay in Tirada Ciidamada Halkaasi Tagay ay gaarayaan 50-Askari, Kuwaas oo markii hore ku sugnaa Goob Aan sidaasi magaalada Oga fogeyn,

Dadka Qandala ayaa inta badan ka Shaqeysta Kaluumeysiga, waxaana la soo sheegayaa in halkaasi ay saaka isaga Qaxeen, Waxaana Dhinaca Kale Ay Qandala u jidhaa Bosaso Qiyaastii 79 – KM Dhinaca Biriga,

Arintaana waxey ku soo beegmaysa Xilli Uu Madaxweynaha Puntland Ku Suganyahay Magaaladda Bosaso ee Gobolka Bari

Like it? Share it!

Leave A Response