Koonfur Galbeed oo ka soo horjeesatay go’aan ka soo baxay guddiga xalinta khilaafaadka

by Hassan Ali | Thursday, Dec 15, 2016 | 197 views

15,December,2016(SofoNews) Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Koonfur Galbeed wuxuu Shacabka Soomaaliyeed, Madasha Hogaanka Qaranka iyo Beesha Caalamka la socodsiinayaa in go’aanka Guddiga Xalinta Khilaadaafka Doorashooyinka ay kusoo celiyeen kuraasta 11ka ah, kuwaas oo 5 kamid ah lagu soo celiyay Koonfur Galbeed uu yahay mid aan xaqiiqda ku saleysneyn oo hareer marsan habraacyada doorashooyinka 2016.

Guddiga Doorashooyinka KG wuxuu go’aanka GXKH u arkaa in:

  1. GXKH ay yihiin dad aan war u hayn Habraaca Doorashooyinka Dadban,

Warmurtiyeedyadii MHQ ay isku raaceen ee hagayay nidaamyada Doorashooyinka.

  1. Kuraasta lasoo celiyay in ay siyaasadeysan yihiin oo uu GXKH ugu adeegayo dad dano khaas ah leh.
  2. Dacwooyin been abuur ah oo ay usoo gudbiyeen musharaxiin kusoo hungoobay helidda kalsoonida shacabkooda oo ay siyaasiyiin dano gaar ah leh ay gadaal ka soo riixayaan .
  3. GXKH wuxuu sumcad ku raadinayaa inay sumcad dil ku sameeyaan GDGHDD ee KG taasoo aan marnaba la aqbali Karin.
  4. In ayadoo lawada ogyahay dacwo badan deegaan doorashooyinka kasoo gaareen GXKH ayaa waxaa cad in Koonfur Galbeed si gaar ah loo bartilmameedsaday halka kuwa kale la iska indha tiray. Taasina waxay caddeyneysaa heerka musuqa uu ka gaaray GXKH.

In la iska indha tiray qoraalada caddeymaha ah ee GDGHDD u gudbiyay GDXKH.

  1. Taasoo caddeyn u ah in GXKH ay dad gaar ah danahooda ka shaqeynayaan.

Sidaas darted, Gudiga Doorashooyinka KG wuxuu iska diiday inay aqbalaan dib u qabashada kuraasta 5ta ah ee ay sheegeen inay soo celiyeen. Kuraastaas oo doorashadoodu u dhacday si xor ah oo xalaal ah, waafaqsana habraacyada doorashooyinka. Haddaba,

 

Like it? Share it!