Koonfur Galbeed oo ciidan geysay goobihii ay ka bexeen Itoobiyaanka.

by Hassan Ali | Friday, Oct 28, 2016 | 149 views

28,Octo,2016(SofoNews) Wararka ka imaanaya gobolka Bokool ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah ay weeraro ku qaadeen dhowr goobood oo ay ku sugnaayeen ururla Shabaab.

Warar ay heleyso SomaliaFocus ayaa sheegaya in Ujeedadad weerarkaasi  la xiriira sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen deegaanadii ay faarujiyeen ciidamada militariga Itoobiya oo dhawaan halkaasi ka baxay ayadoo ay ururka Alshabaab qabsadeen meelihii ay baneeyeen ciidanka Itoobiya.

Wasiirka warfafainta Koonfur Galbeed Xasan Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadooda ay kaabiga ku hayaan degmada Tiyeglow ee gobolka Bokool halkaasi oo dhawaan ay ka bexeen ciidanka Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in deegaano dhowr ah oo horey uga bexeen Itoobiyaanku ay gaareen askarta Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda.

Qeybo kamid ah gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa laga dareemaya dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhanka ah Shabaab, oo isku dayaya in markale ay la wareegaan goobaha ay faarujiyeen ciidanka Addis-Ababa waxaana kamid ah gobolada, Bay, Bokool, Hiraan iyo deegaano kale.

Like it? Share it!