Koonfur Africa oo lagu aasey meydka halgeme Ahmed Kathrada

by Hassan Ali | Thursday, Mar 30, 2017 | 114 views

30,March,2017(SofoNews) Meydka Ahmed Kathrada oo xubin ka ahaa Xisbiga talada dalka Koonfur Afrika haya ee ANC uuna hogaamiyo Madaxweyne Jocob Zuma kana mid ahaa halgemayaashii isbedel doonka Koonfur Africa ayaa lagu aasay dalkaasi Koonfur Africa.
Madaxweynaha dalkaasi oo haatan talada haya Jocob Zuma ayaanu ka qeybgalin aaskaasi sababo laxiriira in qoyskiisa ay u diideen in uu ka soo qeybgalo isna uu ka aqbalay codsigooda.
Halgame Ahmed Kathrada ayaa kamid ahaa dadkii usoo halgamayay sidii dalka Koonfur Afrika looga xureyn lahaa cadaankii midab kala sooca waday, waxa uuna xabsi ku jiray 26-sano isagoo la xirnaa Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela.
Ahmed oo xabsiga laga sii daayay sanadkii 1989-kii ayaa noqday lataliyaha madaxweynihii ugu horeeyey ee si dimuqraadi ah loogu doorto dalka Koonfur Afrika ee Nelson Mandela, waxa uuna xubin muhiim ah ka ahaa Xisbiga ANC.
Xaaska uu ka geeriyooday Ahmed Kathrada ayaa iyana ah haweeney mayal adag oo inta badan ka hadasha Siyaasada ahna qof aan la ganban dhaliisha ay u jeediso Madaxweynaha dalka Koofur Afrika Jocob Zuma.
Aaska loo sameeyay Ahmed Kathrada ayaa ka dhacay magaalada Johanesburg , waxaana kasoo qeyb galay dadweyne badan ay ku jiraan masuuliyiin ,Madax hore iyo dad kale oo asxaab la ahaa Halgamaagan geeriyooday.

Like it? Share it!