Khudbadaha musharixiinta guddoonka oo maanta la dhagaysanayo

by Hassan Ali | Sunday, Jan 8, 2017 | 249 views

8,January,2017(SofoNews) Ayadoo dhawaan ay dhacayso doorashada guddoonka baarlamanka Soomaaliya ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya maanta dhageysanaya musharaxiinta u tartamaya xilalka ka duwan ee guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Ilaa 22-Musharax ayaa u taagan saddaxda xil ee guddoonka baarlamaanka sida ay shaaciyeen Guddiga qaban qaabada doorashada gudddoonka baarlamaanka ee Soomaaliya.

Afar Musharax ayaa u tartameysa Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana sidoo kale Ku Xigeenka Koowaad u tartamaya Lix Musharax, halka Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ay u tartamayaan 12-Musharax.

Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo labadiisii ku xigeen kuwaasi oo doonaya inay markale ku soo laabtaan kuraasta.

11-ka iyo 12-ka Bishaan ayaa waxaa lagu wadaa inay dhacdo Doorashada guddoonka baarlamaanka ee Soomaaliya.

Bishan 11keeda ayaa la filayaa in magaalaad Muqdisho ay ka dhacdo doorashada guddoonka baarlamanka Soomaaliya

Like it? Share it!