khilaafkii ka dhashay wasiirada HirShabeele oo Xal laga gaaray

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 1, 2017 | 75 views

1,March,2017(SofoNews) Kulanka maanta oo ahaa kii ugu horeeyay ee muddo labo bilood ah uu yeesho baarlamaanka ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle waxa uu sheegay in kulankii maanta uu ahaa mid si rasmi ah uu u furay ayna xildhibaanada baarlamaanka ugaga doodii doonaan kulamada xiga qodobada horyaal baarlamaanka.
Sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka ayaa markale baaq u direy beesha caalamka inay gargaar u fidiyaan shacabka Hirshabeelle ee abaaruhu ay saameeyeen.
Kulanka baarlamaanka Hirshabeelle uu yeeshay ayaa ku soo beegmay iyadoo dhowaan ay soo ifbaxayeen khilaaf soo kala dhex galay xubnaha baarlamaanka kadib markii ay xildhibaano ay ka soo horjeesteen qaabka loo dhisay golaha wasiirada dowlada Hirshabeelle.
Hase yeeshee dadaalo uu sameeyay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Shiikh Cismaan Barre Maxamed oo labadii maalmood ee la soo dhaafay wadahadalo kala gaar gaar ah la sameynayay xildhibaanada ayaa kuguuleystey inuu xaliyo khilaafkii dhex yiil. Waxana uu ka horcadeeyay xildhibaanada baarlamaanka in khilaafkaas meel la iska dhigay loona soo jeesto howlaha horyaal baarlamaanka Hirshabeelle.
Madaxweynaha hirShabeele ayaa tan iyo markii uu soo magacaabay golihiisa wasiirada waxaa soo ifbaxayay khilaafaad ku saabsan dhismaha golahaasi wasiirada iyo qaabka ay ku yimaadeen

Like it? Share it!

Leave A Response