Khilaaf hor leh oo kataagay hay’adda fulint iyo baarlamanka Galmudg

by Hassan Ali | Tuesday, Jan 10, 2017 | 196 views

10,January,2017(SofoNews) Xareed Cali Xareed Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay soo gaareen Warar sheegaya in Dhibaato loo geysto Xildhibaanada Galmudug ee ku sugan Magaalada Cadaado.

Arrintani ayaa soo if baxday ka dib markii ay xildhibaanadaasi ay ka hor imaadeen faxa 45 casho dheereed ah oo xildhibaanada Galmudug uu siiyaay guddoonka baarlamaanka taasi oo khilaaf dhalisay.

Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka Codsadeen in ay ilaaliyaan Amniga Xildhibaanada inta ay ku Shirayaan Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Cadaado.

Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa Dhawaan Mooshin Xil ka qaadis ah ka keenay Madaxweynaha Galmudug,waxaana ay sheegeen in Madaxweyne Guuleed uu ku fashilmay Hogaaminta Galmudug.

Baarlamaanka ayaa ka cabsi qaba in loo dhibaateeyo Mooshinka Xilka qaadisa ah ee ay ka keeneen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

 

Like it? Share it!

Leave A Response