Jubbaland oo sheegtey in ay dishey 6 sarkaal oo shababa ah

by Hassan Ali | Friday, Mar 17, 2017 | 107 views

17,March,2017(SofoNews) Dagaal u dhexeeya Alshababa iyo ciidamada Jubbaland ayaa lagu soo waramaya in uu ka dhacay deegaano katirsan gobolka Jubada Hoose halkaasi o qasaarooyin ay ka dhasheen.
Dadka Degaanka Mugaabow Ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Jubbaland ay Howlgal Qorsheysan ka fuliyeen Halkaasi islamarkaana ay ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-shabaab.
Sayid Axmed Carab oo ah Afhayeenka laamaha amaanka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidankoodu ay Degaanka Mugaabow ku dileen 6 Sargaal oo Shabaab ah islamarkaana ay Saxafadda u soo bandhigi doonaan.
Jubbaland ma sheegin Magacyada iyo Xilalka ay hayeen Saraakiisha Shabaabka ah oo ay leeyihiin waxaan ku dilnay Mugaabow.
Majiraan ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay alshabaab ee ku aadan sheegashada Jubbaland ee duqeyntaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response