Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa oo soo saartay liiska caruurta Soomaaliya lagu askareeyey

by Hassan Ali | Saturday, Jan 21, 2017 | 144 views

21,January,2017(SofoNews) War qoraal ah oo uu soo saaray Antonio Guterres Xoghayaha Guud ee QM ayaa lagu  sheegay in Caruurtu ay Qeeyb weeyn ka Yihiin Askareeynta Qasab ka ah ee Alshabaab.

Antonio Guterres Warbxintiisa loo gudbiyaay Golaha amaanka  ayaa waxaa uu Xoghaya guud ku sheegay in Al-shabaab ay Caruurta u isticmaalaan Difaac, oo ay ku Jiraan kuwo Da’doodu ay tahay Sagaal Sanno lana Baray isticmaalka Qoryaha yar yar loona diro Furimaha Hore ee Dagaalka.

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa  ayaa sidoo kale Sheegaysa in Caruurta loo Isticmaalo Daabulaadda Qaraxyadda, Shaqadda Basaasnimadda iyo Qaadista Rasaasta.

Warbixinta ayaa lagu xusay in qayaas ahaantii in ka badan kala Bar ururka Alshabaab ay Yihiin Caruur,ayadoo kuwii dhawaan lagu dilay laguna qab qabtay Puntland ay ahaayeen carruur.

Dalka Soomaaliya ayaa la sheegey in lagu Qasbay in ay Askar Noqdaan Caruur ay Tiradoodu Gaareeyso, 6163. Kuwaas oo 5993 ay Wilal Yihiin 230 kamid ahna ay Gabdho yihiin, intii u dhaxeeysay Bishii april 2010 illaa iyo Bishii July Sanaddii 2016.

Alshabaab ayaa Waxaa u dagaalama 70% ama 4213, Ciidamadda Doowladda ayaa Waxaa Sidoo kale u dagalamada Caruur at Tiradoodu Gaareetso, 920.

Ugu dambeyntii QM ayaa ugu baaqaday  Dhinacyadda Isku Haya Soomaliya in ay Joojiyaan Askareeynta Caruurta iyo ku Xadgudubka Sharciyadda Caalamiga ah ee Banii aadanimadda.

 

Like it? Share it!

Leave A Response