Jawaari oo ka baaqsaday kulan uu la yeesho madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha

by Hassan Ali | Monday, Mar 27, 2017 | 163 views

27,March,2017(SofoNews) Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku adkeysanaya in aanu Xukuumaddiisa wax is bedel ah ku sameyn, inta Baarlamaanka ka ansixinayo, isagoo kala hadlay Xildhibaanada iyo Wasiirada in arrinta kalsooni siinta Xukuumadda la siiyo muhiimada koowaad.
Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa uu dadaal ugu jiraa sidii xildhibaanada baarlamanka kalsooni loogu raadin laha xukuumadda cusub, Farmaajo ayaa la qaba go’aanka Ra’iisul Wasaaraha ee ah in aan wax ka bedel lagu sameyn Wasiirada cusub, balse ay tahay in si shuruud la’aan ah uu Baarlamaanka ku meel mariyo, waxaana Madaxweynuhu ka codsaday Xildhibaanada in aysan is-hortaagin Xukuumadda.
Madaxweynaaha Soomaaliya ayaa lakulmay raiisul wasaaraha iyo golihiisa wasiirada ayagoo ka wada hadlay sidii loo wajihi lahaa arrimaha kalsoonida xukuumadda cusub.
Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya ayaa wararku waxays heegayana in uu ka baaqsaday ka qeybgalayka kulan dhexmara 3da mas’uul ayadoo qorshaha uu yahay sidii looga dhaadhicin lahaa argtidiisa ku aadan wax ka bedelka xukuumadda cusub.
Dhawaan ayaa la filayaa in xukuumadda cusub la horgeeyo baarlamanka Soomaaliya si ay codka kalsoonida ah uga helaan goalaha wasiirada islamarkaana waajibaadkoodi u gutaan

Like it? Share it!

Leave A Response