Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka oo soo dhaweyn u sameeyeen xubno katirsan dowladda Soomaaliya

by Hassan Ali | Saturday, Feb 25, 2017 | 113 views

24,February,2017(SofoNews) Bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalka Mareykank ayaa munaasabad soo dhaweyn ah u sameeyey xubno ka socday Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaaso oo socdaal shaqo ku tegay Mareykanka.
Kulan ka dhacay magaalada Mineapuls ee gobolka Minsora ee dalka Mareykanka ayaa xildhibaanada loo sameyeey waxaa kamid ah Xildhibaan Sadiiq Warfaa, Xildhibaan Sacdiyo Salad iyo Xildhibaan Cabdifataax Cabdullahai kuwaasi oo ka qeybgalay kulanka ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, isla markaana ahaa mid Xildhibaannada lagu soo dhaweynayay.
Xildhibaanadan ayaa Jaaliyada uga warbixiyay marxaladda uu marayo dalkeena iyo qaabkii wanaagsanaa ee u dhacday doorashadii dhawaan ka dhacday Gudaha Soomaaliya ee lagu soo doortey Madaxaweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.
Intii kulankaasi uu socday ayaa waxaa la isku dhaafsaday aragti kaladuwan ayagoo uga warbixiyaay axaaladda dalka Soomaaliya kajirta iyo sida jaaliyadda Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadan karto horumarka dalka.

MG_9412 MG_9417 MG_9428 MG_9443 MG_9457 MG_9463 (1) MG_9463 MG_9467 MG_9471 MG_9477 MG_9482 MG_9483 MG_9484

Like it? Share it!