Jaaliyadda Soomaaliyeed ee K/Suudaan oo ka qeybgalay kulan looga hadlayaya amniga dalkaasi

by Hassan Ali | Wednesday, Apr 26, 2017 | 114 views

26,April,2017(S0foNews) Kulankan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen wasaarada arimaha gudaha ee wadanka Koonfur Sudan iyo safaarada Soomaaliya ee magaalada Juba ee caasimada wadanka Koonfur Sudan ayaa ahaa mid lagu xoojinayay xariirka jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadankan iyo laamaha kala duwan ee amniga.

kulanka furay wasiirka arimaha gudaha Koonfur Sudan Michael Chiangjiek Geay kaasi oo sheegay in dowladiisu dhiirigalineyso maalgashiga oo ay Soomaalidu ugu horeyso asigoona faray hay’adaha amniga in la xaliyo baahiyada iyo cabashooyinka ganacsatada Soomaaliyeed sida ugu dhaqsiyaha badan.

Sidoo kale danjiraha dowlada Soomaaliya ee wadanka Koonfur Sudan mudane Xuseen Xaji Axmed ayaa sheegay in muhiimada koowaad ay tahay badbaada nafta iyo hantida soomaaliyeed oo aan lagu xadgudbin meelna looga soo wada jeesto wixii dhibaato u keenayo labada dhinac.

 

Like it? Share it!