Jaaliyadda Soomaaliyeed ee K/Africa oo qabtay kulan lagu taageerayaya madaxda dowladda

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 8, 2017 | 115 views

8,March,2017(SofoNews) Munaasabadaan oo aheyd mid lagu taageerayay ra’iisal wasaaraha cusub ee xukuumada fadaraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa lagu qabtay magaalada johannesburg gaar ahaana xaafada Soomaalida ku badan tahay ee mayfair.
Munaasabada ayaa waxaa si weyn usoo agaasimay jaaliyada Soomaalida ee magaaladaasi waxaana kasoo qeybgalay marti sharaf kala duwan oo isugu jira waxgarad,aqoon yahano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida.
Waxaa sido kale goobta joogay marti sharaf ka socotay dowlada Koofur Afrika ,safaarada Soomaalida ee dalkaan South Africa,Iyo waliba jaaliyadaha kale ee ajaanibta ah ee lagu casuumay in xaflada ay goob joog ka ahaan.
Mas’uuliyiin kala duwan ayaa goobta ka hadlay kuwaa oo si weyn ugu dheeraadaay bogaadinta iyo waliba hambalyada ay u sidaan ra’iisal wasaaraha cusub, ayada oo sido kale ugu duceeyay in Alle u fududeeyo xillka adag ee loo igmaday.
Xaflada ayaa waxaa ay kusoo idlaatay jawi aad u wanaagsan ayada oo dadka ay wajiyadooda ka muuqatay yadadiilo horumar iyo farxad ay ka sugayaan mudada afarta ah ee soo socota oo xilka ay siii heyn doonaan.

Like it? Share it!