Itoobiya oo ka guurtay Tiyeeglow iyo Al-shabaab oo gudaha u galay Magaalada

by admin | Wednesday, Oct 26, 2016 | 755 views

26 Oct 2016 (SofoNews) – Ciidamada Itoobiya ayaa isaga baxay magaalda Tiyeeglow iyada oo aan la ogeyn sababaha ugu muhiimsan ee ka bixitaankooda.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa la hadlahayay in ciidamada saldhigyada ku leh Tiyeeglow ay banayn doonaan halkaasi taasi oo ugu dambeyn dhacday maanta, waxaana durbadiiba gudaha magaalada soo galay xooggaga al-shabaab.

Itoobiya ayaa ku waragelisay saraakiisha Koonfur Galbeed in ay buuxiyaan saldhigyada ay baneeyeen hasee yeeshee taa bedelkeeda waxaa buuxiyay ciidamada al-shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay alshabaab ayaa sheegaya in dagaalyahanada al-shabaab ay gudaha u galeen Tiyeeglow.

Tani ayaa dhabar jab ku noqoneysa dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxaana hakad sii galidoona dhaq dhaqaayada ganacsi ee gobolada Bakol, Hiran iyo Bay maadaama magaalada ay tahay mid Istiraatiiji ah.

 

Like it? Share it!