Isku soo bax lagu taageerayo xukuumadda cusub oo Muqdisho lagu qabtay

by Hassan Ali | Thursday, Mar 23, 2017 | 158 views

23,March,2017(SofoNews) Isku soo bax balaaran oo lagu taageerayo golaha wasiirada xukuumadda cusub ayaa lagu qabtay magaalaad Muqdisho waxaana ka qeybgalay dadweyne farabadan iyo mas’uuliyiin.
Banaan baxan qeyb galayaan dadweyne badan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay taalada Daljirka Daahsoon ee magaalaad Muqdisho.
Dibad baxani ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayadoo lagu waday maalin ka hor balse uu u baaqday qarax dhawaac ka dhacay isgoyska Tiyaatarka ee magaalaad Muqdisho.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa inta badan soo dhaweeyay aadna u taageeray Golaha Wasiirada cusub uu soo magacaabay Ra’isul Wasaare Kheyre, Wasiiradan ayaana u badan aqonyahano sumcad badan ku dhax leh bulshada Soomaaliyeed.
Raiisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa uu horey ugu baaqay baarlamanka Soomaaliya in ay codka kalsoonida siiyaan golaha wasiirada si ay u gudato waajibaadka horyaala

Like it? Share it!

Leave A Response