Isku soo bax lagu taageerayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacay

by Hassan Ali | Friday, Feb 24, 2017 | 76 views

24,February,2017(SofoNews) Banaanbaxani balaaran oo uu soo qaban qaabiyaaya maamulka gobolka Banaadir laguna taageerayay raiisulwasaaraha cusub eee Soomaaliya ayaa ka dhacay fagaaraha Daljirka Daahsan ee degmada Boondhere ee magaalaad Muqdisho.
Dibad baxan waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin iyo dadweyne aad u farabadan kuwaasi oo ka muuqatay farxad ku aadan magacaabista raiisulwasaare Xasan Cali Kheyre.
Dibadbaxayaasha oo socod ku soo maray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, ayaa isugu soo uruuraya fagaaraha Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere. halkaasoo la filayo iney kula hadlaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.
Maalin kadib markii madaxweyne Farmaajo uu R/wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa isa soo tarayay taageerada ay bulshada Soomaaliyeed u muujinayaan R/wasaare Kheyre waxaana kulamo iyodibad baxyo lagu taageerayo ay ka kala dheceen qeybo kamid ah gobolada dalka iyo gudihiisa.
Waxaa looga fadhiyaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka samata bixin karta

Like it? Share it!

Leave A Response