Isku soo bax lagu taageerayay go’aankii maxakamadda Hague oo Muqdisho lagu qabtay

by Hassan Ali | Friday, Feb 3, 2017 | 175 views

3,February,2017(SofoNews) Waxaa  Magaalada Muqdisho ka dhacay maanta  dbad bax balaaran oo lagu taageerayay  Guusha qiimaha leh ee Soomaaliya ay ka gaartay Muran Badeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ugu Dambeyn Maxkamadda Caddaaladda QM ay shalay Go’aamisay in Muranka Kiiska Badda ay qaadeyso islamarkaana ay diiday Dalabka Kenya oo ahaa in Labada Dowladood ay si hoose u dhameystaan Muran Badeedka u dhexeeya.

Boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid dhamaan degmooyinka magaalaad Muqdisho mas’uuliyiin iyo saraakiil ayaa isugu soo baxay fagaaraha Daljirka Dahsoon ee magaalaad Muqdisho kuwaasi oo muujiyaay dareenkoodi ku aadan go’aankaasi maxakamadda.

Madaxda dowladda federaalka  Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Guusha ay Soomaaliya ka gaartay Dacwada Badda ee ay qaadeyso Maxkamadda ICJ.

War qoraal ah oo ay soo saareen madaxweynaha, raiisul wasaaraha ayaa lagu sheegey in ay siweyn u taageerayaan guusha ay gaartay Soomaaliya ayagoo sheegey in Soomaaliya marna aysan ka tanaasuliddoonin taako kamid ah baddeeda.

Hadal haynta ugu badan ayaa ah go’aanka ugu dambeeya ee ka so baxa dacwaddaasi ayadoo dowladda Kenya ay ku dadaalayso sidii ay u difaaci lahayd xadgudubkeeda balse Soomaliya aya siweyn uga soo horjeeda arrinkaasi.

Like it? Share it!