In ka badan 50 ruux oo Shuban biyood ugu geeriyooday SHabeelaha Dhexe.

by Hassan Ali | Wednesday, Dec 14, 2016 | 194 views

14,December,2016(SofoNews) Degmooyin iyo tuulooyin badan oo Hoosyimaada Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha iyo deegaano kale oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhexe  waxaa laga soo sheegayaa inuu ka Dilaacay xanuunka Shuban biyoodka.

Warar ay heleyso warbahinta SomaliaFocus ayaa sheegaya in Ugu yaraan 50 Carruur ah ay hadda la Xaqiijiyay Xanuunkaasi u dhinteen Todobaadkaan Gudihiis inta lagu jiray waxaana laga cabsi qabaa in tirade ay intaasi ka sii badato.

Maamulka Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa Codsaday in Gargaar Deg Deg ah loo fidiyo islamarkaana la siiyo Dadka uu Xanuunku soo ritay Daawooyin lagula Tacaalo.

Dadka Hadda Goobaha Caafimaadka jooga ayuu Maamulku ku sheegay in ay ka badan yihiin 100 Ruux gaar ahaan isbitaalada magaalada Jowhar iyo degmooyinka kale.

Waxaa soconaya howlo loogu gurmanayo dadkaasi ayadoo dawooyin iyo lacago la iska ururriyay loo qeybiayay qaar kamid ah bukaanada uu soo ritay xanuunkaasi kuwaasi oo kujira isbitalka degmada Mahaday ee gobolka SHabeelaha Dhexe..

Like it? Share it!