Imaaraadka oo lagu wareejinayo dekeddii labadad ee Soomaaliya dhexdeeda

by Hassan Ali | Monday, Apr 3, 2017 | 111 views

3,March,2017(SofoNews) Wararka ka imaanaya Puntaland ayaa sheegaya in heshii ay wada gaareen shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta iyo maamulka Puntland kaasi oo ku aadan dhanka dekedaaha.
Ilo ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegay ain Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas uu mar kale u safraya dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo heshiisyo ku aadan balaarainta dhismaha kededda uu kula soo galidoono madaxda Imaaradka Carabta ee DP World.
C/wali Gaas ayaa lagu wadaa in maalinta berri u safro magaalada Abu Dhabi, halkaasoo ay ku sugan yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Dekedaha ee Puntland.
Madaxweyne Gaas ayaa lagu wadaa inuu goob joog ka noqdo saxiixa heshiiska Dekeda Boosaaso oo si rasmi ah qalinka ugu duugi doonaan isaga iyo Mas’uuliyiinta Shirkadda DP World.
Heshiiskan ayaa hadii qalinka lagu duugo waxaa uu noqonayaa Dekedii labaad oo shirkadda DP World lagu wareejiyo, iyadoo horay ula wareegtay Dekeda Berbera ee Maamulka Somaliland.
Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa u dhaxeeya xiisad diblomaasiyadeed oo sababtay in Imaaraadka ay u yeerato Safiirkii Imaaraadka Carabta u fadhiyay Muqdisho

Like it? Share it!