Imaamka Beesha Mudulood oo Raiisul wasaare kheyre gogol u fidiyay

by Hassan Ali | Thursday, Mar 23, 2017 | 177 views

23,March,2017(SofoNews) Xasan CAli Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyeen Qaar ka mid ah wasiirada uu soo magacaabay ayaa magaalada Muqdisho hoyga uu ka degan yahay ku booqday Suldaan beelaha Mudulood Imaam Maxamed Yuusuf.
Kulankan ayaa looga hadlayay taageerada Xukuumadda cusub uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana Imaamka uu soo dhoweeyay Wasiirada uu soo magacaabay, isagoo u duceeyay.
Sidoo kale Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay duubabka dhaqanka beesha Mudullood, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada labada gole ee ka soo jeeda Beelaha Mudullood.
Imaam Maxamed Yuusuf ayaa ugu baaqay Baarlamaanka inay codka kalsoonida siiyaan Xukuumadda cusub, isla markaana ay meesha ka saaraan mooshinada looga bartay in laga keeno Xukuumadihii hore.
Kulankan ayaa ka dambeeyay, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu jiro kulan looga soo horjeedo Xukuumadda cusub oo ay hor-boodayeen xubno ka tirsan Beelaha Mudullood.

Like it? Share it!