Ilaa 8 musharax oo qudbadihii ugu dambeeyey jeedinaya

by Hassan Ali | Sunday, Feb 5, 2017 | 157 views

 5,February,2017(SofoNews) Ayadoo maanta ay ku egtahay waqtigii loo qabtay dhageysiga khudbadaha musharixiinta ayaa waxaa maanta baarlamanaka Soomaaliy auu dhageysanaya ilaa 8 xunood oo ah musharixiintii ugu dambeysay.

Amaanka ayaa siweyn loo adkeeyey waxaana xiran wadooyinka soo gala madaxtooyo iyo xarunta baarlamanka inkastoo gaadiidka dowladda oo qura uu halkaasi marayao balse kuwa shacabka ah loo diiday.

Siddeedaan Musharax ee Maanta ku Qoran Hadal Jeedinta ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Waqtigeedu sii dhamaanayo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Waa kuwan liiska musharixiinta maanta hadal jeedinta ku qoran.

1.Cumar C/rashiid Cali Sharmaar

2.Dr. Maxamuud Maxamed Culusow

3.Maxamed Axmed Jabarti

4.Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)

5.Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)

6.Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

7.Maxamed C/risaaq

  1. Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil

Waxaa lagu wadaa in maalinta beri ah oo Isniin ah la qabto dood wadaag u dhexeeya dhamaan musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha taasi oo dhawaan uu dib u dhac ku yimid.

Like it? Share it!