Ilaa 100 arday oo deeq waxbarasho ah heley oo u amba baxay dalka Suudaan

by Hassan Ali | Tuesday, Nov 1, 2016 | 125 views

1,November,2016(SofoNews) Ardayda Soomaaliyeed oo tiradooda gaaraysaa ilaa 100 Boqol Arday oo deeq Waxbarasho ka heshay Wadanka Suudaan ayaa Maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ardaydaasi oo ay Deeq waxbarasho u fidisay Dawladda Suudan ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibi,Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxabarshada iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi iyo Waalidiinta Ardeydaasi, iyadoo laga soo xulay Dugsiyada Gobolada Dalka.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa  Imtixaan ay ka qaaday ardaydaasi lagu kala saaray tirade ardayda baxaysa oo ah kuwa ku guuleystay imtixaankii wasaaradda.

Dawladda Suudaan ayaa ah tan ugu badan ee deeqda Waxbarasho siisa Ardayda Soomaaliyeed tan iyo bur-burkii Dawladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii.

arday1 arday3 arday6

Like it? Share it!

Leave A Response